4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2016
SAWIRRO: Jabuuti oo lagu soo Gaba-gabeeyay shirkii culumada ee looga hadlay Xag-jirnimada

Isniin, Maarso 21, 2016 (HOL) — Shirkan oo ay isugu yimaadeen culumada Bariga Afrika oo looga hadlayay ka-hortaga falalka Argagaxisada, Xag-jirnimada iyo ku dhaqanka Diinta islaamka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo xiray shirka, isagoo la hadlayay culumadii ka qaybgalay shirkan ayuu sheegay inay Diinta Islaamku tahay nasteexo, balse ay dhawaanahan soo baxeen dad dano gaar ah la leh oo u adeegsanaya dariiq aan habboonayn.

Intii uu socday shirka culummada Bariga Afrika ayaa lagu gorfeeyay sidii looga hortegi lahaa argagaxisada iyo xag-jireynta dhallinyarada, taasoo lagu sheegay inay dhaawac ku tahay diinta Islaamka, loona baaha nyahay in culummadu ay u is-taagaan sidii bulshada ay u fahamsiin lahaayeen diinta Islaamka.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa ahaa kii Afraad oo culummada Bariga Africa ay ku yeeshaan magaalada Jabuuti, sannadkanna waxaa kasoo qayb galay culmmaa’uddiin ka yimid dalal kala duwan.

C/qaadir Muuse Mohamuud
[email protected]
Magaalada Jabuuti, Djibouti