4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2016
Xoogagga Al-shabaab oo xalay Weerar ku qaaday saldhiga Ciidamada Somalia ee LAANTA-BUURO

 

Isniin Maarso 21 (HOL)— Dabley ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ciidamada Soomaaliya ay kuleeyihiin Laanta-Buuro, Shabellaha Hoose abbaare xalay saqdii dhexe.

 

Dagaalkaa ayaa qaatay saacado badan sida wararku nagu soo gaarayaan. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Alshabaab xeradaa ay labo dhinac ka soo weerareen. Muddo kooban ayay xeradaa la wareegeen dableyda xarakada Alshabaab.

 

Weerarka oo cuslaa ayaa waxaa la sheegayaa in inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen tobaneeyo qof.

 

Majiraan warar kasoo baxay dawlada oo weerarkaa kusaabsan.

 

Aden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]