4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
Sawirro: Deeq la Gaarsiiyay Xarumaha lagu hayo Carruurta Agoonta ah ee ku yaalla MUQDISHO


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Hay’ada Hormuud Foundation, ayaa Deeqdaan lacageed oo Cadadkeedu ahaa Boqol & Shan Kun oo lacagta Mareykanka ah ($105,000) u Qaybisay 21-xarumood oo lagu hayo Carruurta Agoonta ah.

Xarumaha Deeqdaan lacageed laga qaybiyay, ayaa ku kala yaalla Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada hoos-tagga, waxaana Xarumahaas ka mid ah daryeel Lafoole, Imaam Shaafici, Umu Caa’isha, Umul-Quraa, Orphan Care, Xanaano Orphan, Halgan Orphan Care Center, Xarunta Agoonta Muqdisho iyo Qaar kaloo badan.

Sidoo kale, Xaflad Maanta lagu Qabtay Hoteelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho, ayaa Maamullada Xarumahan loogu Qaybiyay Lacagaha, si ay u gaarsiiyan carruurta agoonta ee ku xareysan goobaha ay mas’uulka ka yihiin. Xarun kasta waxaa loogu talo-galay 5,000 oo Doollar.

Hay'adda Hormuud Foundation, ayaa kaalmadan ugu Talo-gashay in Carruurta Agoonta ay kula Ciidaan Maalmaha Ciidda, Carruurta kale ee la nool Waalidiintooda, si ay u dareeman farxadda Ciidul-fitriga.

Guddoomiyaha Hormuud Foundation Muuse Axmed Nuur oo munaasabada ka hadlay ayaa deeqdan ku sheegay mid qayb ka ah deeqaha ay Hormuud Foundation ugu talo-gashay in ay bixiso maalmaha lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

“Tani waxay qayb ka tahay Deeqaha ay bixinayso Hormuud Foundation Maalmaha Bishan Ramadaanka. Maalmihii la soo Dhaafay Deeqihii aan Shacabka u Qaybinaynay ayuun bay qayb ka tahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa yiri. “Hormuud Foundation waxaa ka go’an inay sii wado kaalmada ay Gaarsiinayso dadka kuwooda ugu Nugul, Maalmaha ka Harsan Bishan Naxariista iyo Fadliga badan.”

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya