4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo si Adag uga hadashay weerarkii ciidanka AMISOM ee Halgan


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gudiga sare ee ururka Midowga Afrika,  Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa si Adag u Cambaareysay Weerarkii ay Al-shabaab la beegsatay manta saldhigga ciidanka AMISOM ee deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somalia, iyadoo sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid fashilmay.

War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta Midowga Afrika ayaa waxaa lagu xusay in Kooxda Weerarka geysatay ay iska caabbin xooggan kala kulmeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ee deegaankaas ku sugnaaa, waxaana gaaray khasaare culus. Boqollaal ka tirsanaa Al-shabaab ayaana lagu laayay.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya ayaa sidoo kale bayaanka lagu xusay in ay gacanta lagu dhigay Hub fara badan oo ay isticmaaleysay kooxda Weerarka soo qaaday. Iyadoo Dlamini-Zuma ay ku Ammaantay Ciidamada Itoobiya ee ka ah Qaybta Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia sida deg-degga ah ee ay uga jawaabeen Weerarka iyo Geesinimada ay muujiyeen.

“Weerarrada noocan oo kale ah waxay muujinayaan dabciga liita ee Ururka Al-shabaab, oo Hadafkeedu yahay Faafinta Argagax iyo sii Wadista Qorshaheeda ay ku doonayso in ay ku Wiiqdo Kalsoonida Shacabka Soomaaliya. Waxay tani sii Adkaynaysaa Go’aankeena ah in aan sii wadno dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab tan iyo inta Somalia oo dhan laga xoreynayo argagaxisada,” ayay tiri Dr. Nkosazana, oo carrabka ku adkaysay in Weerarkaan fashilmay uu caddeyn u yahay Awoodda ay AMISOM u leedahay inay si saameyn leh uga jawaabi karto halista argagaxiso.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Tacsi u Dirtay Qoysaska, Askartii ku Geeriyooday Weerarkaas, iyadoo kuwii ku dhaawamcayna u rajysay Caafimaad dhaqso ah. iyadoo ku celisay inay ka go’an tahay Midowga Afrika inay sii Wado Taageerada ay Siiso Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda si ay helaan nabad waarta.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya