4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
Madaxweyne Siilaanyo oo markii ugu Horreysay ka Hadlay Shacabkii lagu Laayay GAASHAAMO


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Siilaanyo, ayaa ka hadlay dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey tuuladda Jaamac Dubad ee Hoos-taga Degmada Gaashaamo ee Bariga Dalka Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo - ayaa Sheegay in uu aad uga Damqaddy Dhibaatada soo Gaadhay Dadkaas Shacabka ahaa ee isugu jiray Ragga, Dumarka iyo Carruurta lagu laayey Halkaas, waxaanu ugu baaqay dadka deegaanku inay is dajiyaan oo ay Ammaanka ka shaqeeyaan.

Hadalkan ayaa waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku Saxiixnaa Afhayeenka Madaxweynaha C/raxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax).

“Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo oo ku Hadlaya Magaciisa Midka  Xukuumadda iyo kan shacbiga Somalilandba waxa uu dhammaal tacsi ah u dirayaa, dadkii isugu jiray waayeelka, caruurta iyo haween ee ku naf waayey dhiilladii, ka dhacday Jaamac Dubbad ee Degmada Gaashaamo oo ka tirsan Gobolka Jarar ee DDS Dalka Itoobiya.”ayuu lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Wuxuuna intaa ku daray. “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu aad uga damqaday dhibta soo gaadhay shacabkaas, waxaanu ugu baaqay shacabka Deegaankaasi inay is-dejiyaan oo aanay marnaba ku tallaabsan dhibaato dhibaato lagu saxo.Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyey Dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, in shacbiga la ilaaliyo nabadgelyadooda, iyo hantidoodaba, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay Shacabka Deegaannadaas - inay ka dambeeyaan, lana shaqeeyaan dowladooda, waxgaradka, iyo waayeelka deegaankaasina ay dawladdooda kala shaqeeyaan sidii xaalada loo dejin lahaa, amnigana loo sugu lahaa. Madaxweynuhu wuxuu ALLE uga baryayaa inuu marxuumiitaas ka Waraabiyo Jannatul Fardawsa, Qoysaskii, eheladii, qaraabadii, Asxaabtii iyo shacabkii ay ka baxeenna uu Samir iyo Iimaan Saadiqa ka siiyo.”

Dhacdadaan uu madaxweynuhu ka hadlay ayaa doraad ka dhacday tuulada Jaamac Dubad oo hoos Timaadda Degmadda Gaashaamo ee bariga Itoobiya, kuwaas oo dad Shacab ah oo lagu qiyaasay 21 ruux oo isugu jira Ragga iyo Dumarka lagu laayey Deegaankaasi, iyadoo tiro intaas ka badana lagu dhaawaacay.

Ugu dambeyn, Falkaan ayaa labadii casho ee uDdambeeyey lagu hadal hayey Magaaladda Hargeysa, kuwaasoo shacabka aad uga xumaaday dilkaasi foosha xun ee ciimadda Itoobiya ka geysteen deegaankaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland