4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
SAWIRRO: Xisbi Siyaasadeed Cusub oo Maanta looga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Muqdisho, ayaa waxaa Maanta looga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed loogu magac-daray WADAJIR oo Hal-ku-dhiggiisu yahay ASAL iyo IFTIIN, Waxaana xafladda furitaanka kasoo Qayb-galay Xildhibaano, Wasiiro, Madaxda xisbiyada siyaasada dalka, odoyaasha dhaqanka, culumaa’uddiin, ganacsato, Haween, dhallinyaro iyo Marti-sharaf kale.

“Mabaa’diida Xisbiga ayaa Waxaa ka mid ah; dhawrista madax-banaanida si loo soo celiyo hayabadii qaranimada, la-dagaalanka musuq-maasuqa, cadaalad-darrada, Eexda, Qabyaala-dda, Jahliga iyo Faqriga, Dhiirri-gelinta Haweenka iyo Dhallinyarada, si ay kaalin muuqata uga qaataan Horumarka, Dib u dhiska siyaasada waddanka, iyo in la helo dhismaha garsoor Hufan oo cadaalad ku dhisan,“ Sidaas Waxaa yiri; Nuur Sheekh Cali Diinaari iyo C/naasir Geelle oo ka mid ah aasaasayaasha Xisbiga.

Guddoomiyaha KMG–ka ah ee Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale oo munaasabada ka hadlay ayaa yiri.“Sababta loo doortay Hal-ku-dhigga Asal iyo Iftiin, Waa in Dowlad ay Shacabku leeyihiin la dhiso, si looga maarmo gacan shisheeye, magaca Iftiin waa in Dadka Soomaaliyeed oo dhinac walba laga dhiso sida, Waxbarashada, Caafimaadka & Adeegyada kale ee bulshada si loo gaaro dal isku filan.” 

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Saciid Qoorsheel oo sheegay inuu isbahaysigiisu uu soo dhaweynayo xisbiga wadajir, wuxuuna xusay in madaxda xisbiga ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay in ay ka mira dhaliyaan hadafka oo isku keenida Ummadda Soomaaliyeed sida ka muuqata Astaanka Xisbiga. 

Waxaa kaloo goobta ka hadlay. Gudoomiyayayaasha Daljir iyo Kulan, kuwaasoo ka xusay Goobta inay soo dhaweynayaan xisbiiga Wadajir, Waxayna ka Codsadeen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya inay dadajiyo saxiixa xeerka xisbiga oo ay sheegeen inuu saldhig u yahay in dalka Somalia ay ka dhacdo Doorasho xor ah.

“Xisbiga Wadajir aad baan u soo dhaweynayaa waana xisbi aan dhihi karo mid dhibaatada ka saari kara ummadda Soomaaliyeed sidoo kale, Wuxuuu soo jeediyay Xisbiyada kale in ay soo dhaweeyaan Xisbigaan,“  ayuu yiri Xildhibaan Baarlamaanka Somaila ka Tirsan oo Munaasabadda ka hadlay.

Waxaa kaloo - Xafladda ka Hadlay, Xildhibaannada kala ah; Maxamed Cabdi Yuusuf iyo C/lla Boos Axmed; kuwaasoo hoosta ka xariiqeen in dalka uusan xor ahayn loona baahan yahay in xisbiga Wadajir uu horseedi lahaa sidii loosoo celin lahaa sharafkii iyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Nuur Diinaari oo ahaa Safiirkii hore ee Somalia u joogay IGAD, kana mid ah Xubnaha Aasaasayaasha Xisbiga WADAJIR, ayaa yiri. “Kulan ay Muqdisho ku yeesheen xubnaha Aasaasay Xisbiga ayay go’aan ku gaareen in loo doortay Guddoomiyaha KMG-ka ah muddo Sannad ah; Kamaal Daahir Guutaale, si uu u soo Dhammeystiro Golayaasha iyo Garbaha Xisbiga, sidaasoo kale wuxuu u Rajeeyay Guddoomiyuhana inuu u Gudan doono xilkaas si kalsooni, howlkarnimo iyo daacidnimo ay ku jirto

Ugu dambeyntii, Waxaa madasha ka Hadlay Avv. Craxmaan C/shakuur Warsame oo ahaa Wasiirka Xiriirka iyo Qorsheynta Caalamiga ah ee Dowladdi Sheekh Shariif, kana mid ah Asaasayaasha Xibsiga WADAJIR, xilliyadii Dambana ahaa - La-taliyaha Wakiilka QM ee Soomaaliya, kalana taliyey dhanka siyaasadda.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya