4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
DAAWO: Dhaawaca 18 Ruux oo lasoo Gaarsiiyay isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Dhaawaca 18 ruux oo rayid ah oo ka mid ahaa dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay dagaal culus oo aroornimadii Saakay ka dhacay Tuulada Halgan ayaa la gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

Dadkan oo u badan Haween iyo Carruur ah ayaa qaarkood qaba dhaawacyo culus, waxaana jirkooda ka muuqanaya firirka madaafiic ku haleeshay guryahooda,

Dhaawacyada qaar ayaa durbaba loo gudbiyay saalada qaliinka isbitaalka halkaa oo ay kula tacaalayaan dhaqaatiirta oo sheegay in ay jiraan dad dhaawacyo culus qaba.

Abshir Xaanshi Weheliye oo ka mid ah Hawl-wadeennada Isbitaalka, ayaa Warbaahinta u Sheegay in marka la eego Dhaawacyada la soo gaarsiiyay intooda badan ay Waxyeello ka soo gaartay madaafiicda loo isticmaalay dagaalka.

Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah dadkii la socday dhaawacyada ayaa inoo sheegay in ay wali jiraan dhaawacyo kale oo aan la soo qaadin balse qorshuhu yahay in isbitaalka Baladweyne lasoo gaarsiiyo saacadaha soo socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya