4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
Sawiro: Machadka ISOS ee Jaamacada Muqdisho oo maanta Daah-furay Buug Maanso oo Cusub


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Machadka Daraasaadka Soomaalida - (ISOS) ee Hoos-taga Jaamacadda Muqdisho, ayaa maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 09-ka Juun, 2016-ka Wuxuu Qabtay Xaflad lagu Daah-furayay Buugga Diiwaanka Maansooyinkii la magac-baxay "Qaskii Loo Durbaan Tumay" oo ay Maskaxdooda ka soo maaxatay labada hal-abuur, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar oo ay Bulshada Soomaaliyeed ku Tiqiinay Aabbihii Waxbarashada Soomaaliyeed xilligii burburka iyo Abwaanka Soomaaliyeed C/rashiid Cumar Axmed (Ina Caws-gurow) oo ay bulshada Soomaaliyeed ku taqaanno Saarka, Diiwaankaan oo la daabacay Maarso, 2016-ka.

Hal-abuurayaashan, ayaa waxay soo bandhigeen Suugaan ku qotonta Waqtiga lagu jiro, iyadoo Taabanaysay Mawduucyo kala duwan oo Nolosha qaybaheeda ka tirsan, sida; Nabada, waxbarashada, walaalnimadda, midnimadda, hogaaminta wanaagsan iyo iyada oo ka digaysay Colaadaha, Maamul-xumida, Musuq-maasuqa, eexda, iyo qabyaalada raadkeeda xun ee ay leedahay.

Sidoo kale, ka qayb-galayaasha ayaa Waxay u riyaaqeen Maansooyinka ay soo bandhigeen labadaan hal-abuure, waxayna codsadeen in Madashaan oo kale uu badiyo Machadka ISOS ee Jaamacadda Muqdisho hoos-taga.

Diiwaankan Maansooyinkan "Qaskii Loo Durbaan Tumay", ayaa waxaa soo akhriyay, isla markaana Falanqeyn ku sameeyay Aqoonyahanada kala ah; C/qaadir Nuur Xuseen (Maax) iyo Ustaad C/qaadir Axmed Maxamed (Jubba) oo ku Tilmaamay in Diiwaankaani uu isku-xirayo suugaan-yahaanadii hore iyo kuwa dambe iyagoo bulshadii madashaan ku sugnayd ku boorriyay inaysan kamaqnaan maktabadooda oo ay iibsadaan.

Ugu dambeyn, Marti-sharaftii ka Qayb-galay Daahfurka Waxay nasiib u yeesheen in loo Hadiyeeyo Buuggaan inta ka maqanna ay ka heli doonaan Meelaha Buugaagta lagu iibiyo. Wuxuuna kusoo dhamaaday jawi qurxoon oo aad loo jeclaystay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya