4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia ee Maanta oo Qodobo kala duwan looga Hadlay


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirada ee Xukuumada Somalia, ayaa Maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir-guddoominayay Ku-simaha RW, ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-jiir”, Waxaana looga Hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo soo bandhigtay qorshaha Bisha Ramadan ee Sugidda Amniga Caasimadda.

Wasiirka Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada Warbixin ka siiyey qorshaha lagu adekynayo inta lagu gudo-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan amniga Caasimadda, iyagoo Iska-kaashanayaan Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Dowladda FS; Maamulka Gobolka Banaadir iyo Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, Wuxuuna Goluhu ayaa boggaadiyey qorshahan waxana ay ku biiriyeen tallooyin lagu kabayo Amniga.

Wasiirradda Caafimaadka Somalia, ayaa Golaha Wasiirrada Warbixin ka Siisay Qaabkii ay ula tacaaleen dhaawacyadii weerarkii Hotel Ambassador, Waxaana uu goluhu ku boorriyay Wasaaraddu in ay qaado tallaabooyin deg-deg ah oo gacan lagu siinayo Shacabka u baahan caafimaadka dibedda ah, iyadoo iskaashi lala sameynayo dawladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa Warbixinno kala duwan oo la Xiriira Hiigsiga 2016 iyo Shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo si faah-faahsan uga hadashay Waxyaabihii ka soo baxay shirka. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay Markab sida kaalmo loogu talo-galay dadka Soomaaliyeed oo hadda taagan Dekadda Muqdisho, Waxayna Tilmaamtay in si Deg-deg ah loo Gaarsiinayo Soomaaliyeed ee Tabaaleysan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya