4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
Dowladda Somalia: Al-shabaab Waxaa Weerarkii Deegaanka Halgan looga dilay Qiyaastii 120 Ruux


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Wasiirrada Gaashaandhiga iyo Amniga Gudaha Somalia oo Wadajir Shir Jaraa’id u Qabtay, kaddib Weerarkii Khasaaraha Al-shabaab ay ku Qaaday Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa ka warbixiyay siday wax u dhaceen iyo Sidoo kale khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.

C/risaaq Cumar Maxamed oo ah Wasiirka Amniga Somalia, ayaa sheegay weerarkii saakay ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay ciidamada AMISOM ka joogeen deegaankaas uu noqday mid Fashilmay oo jab Xooggan uu ka soo gaaray Kooxda Al-shabaab. Wuxuuna Tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay dhibaato Xoog leh Gaarsiiyaan Ciidamada AMISOM, Laakiin ay Ciidamadu u Diyaar-sanaayeen ka hor-tagidda Weerarada Cadowga.

Sidoo kale, Wasiirka difaaca Somalia, C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa isagana sheegay in weerarkii saaka lagu dilay in ka badan 120-dagaalyahan oo Al-shabaab ka mid ahaa, lagana Qabsaday Hubkii ay wateen oo isugu jiray Qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.

“Abaare 5:00 Aroornimo ee saaka ciidanka AMISOM ee Itooobiya fariisin ay ku lahaayeen Deegaanka Halgan, Waxaa weerar Qorshaysan kusoo qaaday xoogag ka tirsan Al-shabaab, Wuxuuna Weerarkaasi ku billowday Qaraxyo kaddibna Dagaal toos ah ayuu isku beddelay, inta hadda naloo xaqiijiyay waxaa dagaalka lagu dilay 120-dagaalyahan oo ka tirsan nabad-diidka, Waxaa sidoo kale la Qabtay Hubkii ay wateen. Dhanka ciidanka AMISOM & kuwa Soomaaliya waxaa la xaqiijiyay 10 askari in ay ku dhinteen.” ayuu yiri Wasiir Diini.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa xusay dagaalkii saaka dhacay oo ay ka qeyb qaateen ciidanka Dowladda Somalia ee Deegaanka Fariisinta ku leh in Kooxaha Nabadda diidan Khasaarihii ugu ballaarnaa Muddooyinkan uu kasoo gaaray, isla markaana Ciidamada Xoogga Somalia ay sii xoojin doonaan bishan barakeysan ee Ramadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya