4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2016
QALLAAFOW: Maxkamad ayaan la Tiigsanaynaa kuwa Musuq-maasuqay Gargaarkii Shacabka


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Degmada Baladaweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan, Maxamed Cismaan Qalaafow, ayaa shaaciyay inay Maxkamad la tiigsan doonaan dad uu ku tilmaamay inay Musuq-maasuqeen kaalmooyinkii dowladda Jabuuti iyo Dowladda FS ay ugu tala galeen Shacabkii ay saameynta xooggan ku yeesheen Fatahaadda Webiga Shabeelle uu dhawaan ku sameeyay Magaalada Baladweyne.

Qallaafoow oo warbaahinta la hadlayay, ayaa sheegay in Shacabka deggen Xaafada Howl-Wadaag ee Baladweyne, aysan helin Gargaarkii ka yimid Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti, Wuxuuna intaas ku daray in Dadka ka Baxsaday Fatahaadda ee ku barakacay deegaanka Ceel-jaalle oo keliya la gaarsiiyay deeqdan, intii kalena la musuqay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baladweyne - ayaa sheegay in Hay’adaha ICSRC iyo WFB ay hadda wadaan raashin qeybin, wuxuuna xusay inay ka Hor-tagayaan in Raashinkaasi mar kale la musuq-maasuqo, isagoo hadalkiisa ku daray inay dadkii horay Gargaarka u Musuq-maasuqay  lala tiigsan doono Maxkamad.

Ugu dambeyn, Hadalkaan ayaa imaanayaa Xilli lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Shacabka Dan-yarta ahna ay u baahan yihiin Gar-gaar Bani’aadamnimo oo Deg-deg ah.

Hiiraan Online, News Desk