4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2016
QM oo Ku Bixineysa Ksh3.8b Tababarida Ciidamada Kenya

 

 Askari KDF ka tirsan oo hawlgal kujira-Afmadow, Soomaaliya/xaquuqda masawirka/Nation Media Group


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL)-Tababarka ayaa waxaa bixinaaya xubno ka tirsan militariga Japan gaar ahaan ciidamada Japan ee infentariga.

QM ayaa ku bixinaysaa lacag dhan 3.8 bilyan oo shilinka Kenya ah ayadoo la tababari doona cutubyo ka mid ah ciidamada Kenya si ay uga hawl galaan dhulalka xaaladaha adag iyo colaaduhu ka jiraan.

Ciidamada KDF ee Soomaaliya loo diray qaarkood ayaa noqon doona kuwa ugu horeeya ee tababarkaa qaata.

Durba laakiin Waaxda Taageerada Goobta ee QM ayaa bilowday inay tababarto 60 askari oo Kenyan ah kuwaasoo tababarkoodu uu haatan ka socdo Dugsiga Taageerada Nabadda Baniaadminimo ee kuyaala xaafada Embakasi ee caasimada Nairobi, Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa tababarkaan loo doortay maadaama ay caqabado kala kulmaan gudaha Soomaaliya iyo meelo kale oo khataro ay ka jiraan kuwaasoo hawlgalo loogu diro.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada, Nairobi Kenya.