4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 9 , 2016
Xoogaga Al-shabaab oo Saakay Weerar Culus ku Qaaday Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL) — Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa lagu soo Warramayaa in Weerar culus oo dhawr jiho ah ay Xoogagga Al-shabaab ku qaadeen Deegaanka Halgan oo 75-km dhinaca Koonfur kaga aadan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ahaa kii ugu cuslaa oo halkaa ka dhacay tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ciidanka Dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Africa AMISOM ayeey u suurtagashay Al-shabaab in ay gudaha u galleen magaalada, kaddib -na halkaa uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya xoogagga weerarka soo qaaday, Ciidanka Dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Is-gaarsiinta Degmada ayaa maqan, Waxaana adag in Faahfaahin dheeraad ah laga ogaado khasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Balse, Duqa uula-burte, Cismaan Geedi oo Saakay ah la Hadlay HOL, ayaa Sheegay in uu jiro khasare balaaran oo soo gaaray dadka shacabka ah iyo dhinacyada uu iska horimaadku dhaxmaray, hasse ahaatee ma' uusan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

Dadweyne meel kala duwan jooga oo siddoo kale aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in Madaafiic dhawr ah  oo lagu Garaacay Deegaanka, kuwaasoo Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca soo gaartay Dad rayid ah oo aan ilaa iyo hadda tiradooda rasmi ahaa la xaqiijin.

Weerarka deegaanka Halgan kaddib ayeey Al-shabaab madaafiic ah ku garaaceen degmada Buula-burte inkastoo Ciidamada Dowladda FS & kuwa AMISOM Markiiba ka Hor-tageen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya