4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2016
QM oo Isku Dayaysa inay Cirib Tidho Fiditaanka AIDS-ka 2030

Xaquuqda masawirka/AFP


Khamiis, Juun 09, 2016 (HOL)-Faafitaanka dullinka HIV ayaa hoos usii dhacaayay tan iyo bilowgii tobankii sano ee lasoo dhaafay. Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa jira 36.7 milyan oo qof oo qaba HIV/AIDS kuwaasoo ku kala nool daafaha caalamka laakiin badankoodu waxay kunool yihiin qaarada Afrika inta ka hooseysa lama dagaanka Sahara.

Dalalka ka tirsan QM ayaa Arbacadii shalay ahayd isku raacay in la dardar galiyo tillaabooyinka loo qaadayo dhanka ciribtirka faafitaanka AIDS-ka wixii loo gaaro 2030.

Waxaa dalalka ka tirsan golaha loo dhan yahay ee QM oo gaaraya 193 isla qaateen bayaan diirada saaraya in la caawiyo dadka maandooriyeyaasha isticmaala, dadka jirkooda ka ganacsada, maxaabiista, iwm oo halis ugu jira qaaditaanka dullinka HIV.

Xog-hayaha Guud ee QM Ban Ki-moon  ayaa wafuud u sheegay in "AIDS-ku ka fog yahay dhammaad," dadka adduunkuna ay iminka fursad u heystaan inay arinkaa aad wax uga qabtaan gaar ahaan shanta sano ee soo socota.

Ban ayaa codsaday in la daaweeyo adeegyana la siiyo dhammaan dadka la il daran xanuunka AIDS-ka iyo dullinka dhaliya ee HIV ayadoon wax takoorid ah loo geysan.

Cudurka AIDS-ka ayaa aad usoo shaac baxay wixii ka dambeeyay sanadihii sideetameeyadii caalamka oo idil gaar ahaan qaarada Afrika ayadoo dalalka uu aad usaameeyay ay kujiraan Koofur Afrika (South Africa), Zimbabwe iyo Zambia.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada, Nairobi Kenya.