4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
WAR-MURTIYEEDKII: Shirkii Madaxda Somalia iyo Kenya ku Dhex-maray Magaalada Nairobi


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — War-murtiyeed, ayaa laga soo saaray maanta kulan ay ku lahaayeen Maalmahan Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya Madaxda Somalia iyo Kenya, oo ay kala Hoggaaminayeen Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud iyo Dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Bayaankan oo ka koobnaa 12 qodob ayaa waxaa Qodobbada sida gaarka ah Diiradda loogu saaray waxaa ka mid ah; Arrimaha Qoxootiga, Ammaanka, Xuduudaha iyo duulimaadyada labada dhinac.

Dhinacyada ayaa waxay isku raaceen; in Dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab loo maro Heshiiskii ay horey u Wada-gaareen Kenya, Soomaaliya iyo Hay’adda Qoxootiga Dunida ee UNCHR, kaasoo dhigaayay in dib u celinta Qoxootiga ay noqoto mid khiyaari ah, balse aan la qasbin.

Sidoo kale, waxaa qodobbada la isku raacay ka mid ah; In Kenya ay weli qayb kasii ahaato Hawl-gallada lagu doonayo in Xasilloonida Soomaaliya lagu soo celiyo ee AMISOM oo ay ciidamadeedu qaybta ka yihiin.

Xukuumadaha Somalia iyo Kenya ayaa waxay Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowaldda Federaalka Soomaaliya laga kaalmeeyo dib u soo noqoshada Qoxootiga Dhadhaab ku nool. Iyadoo Kenya ay mar sii horreysay Go’aansatay in ay Xirayso Xeryaha Dhadhaab oo ay ku tilmaantay kuwo khatar ku ah Ammaanka Waddankeeda.

Waxay kaloo, Labada waddan ku heshiiyeen in wada-shaqeyn toos ah laga sameeyo dadka kasoo Tallaabaya Xuduudda u dhexeysa. Si loo adkeeyo Ammaanka Guud ee labada Dal.

Dhanka kale, Waxaa Heshiiska ka mid ah; In baaritaannada Diyaaradaha isaga kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ee Wajeer iyo Nairobi lagu soo koobo Hal baaritaan oo noqonaya Magaalada Wajeer  ama Nairobi, lana Joojiyo Labada Baaris ee la Marsiinayo shacabka ka dhoofaya Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, War-murtiyeedkaan labada dhinac ay soo saareen ayaa waxaa lagu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Dhiggiisa Kenya ku Casuumay inuu Booqasho ku yimaado Somalia xilliyada soo socda, taasoo uu aqbalay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya