4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Guddoomiyihii Ururka Haweenka ee Gobolka Mudug oo Caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Kooxo hubeysan, ayaa Caawa Maqribkii Gaalkacyo ku dilay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland ee Gobolka Mudug, Marxuumad Dhudi Yuusuf, waxaana dilkeedu uu ka dhacay meel ku dhaw gurigeeda.

Dableyda dilka Haweeneydan geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana Dhudi la toogtay xilli ay doonaysay inay gasho gurigeeda oo ku yaalla Xaafada Is-raaca oo ku taalla dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidan ka tirsan kuwa Puntland oo billaabay baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihi dilka Haweeneydan geystay oo aan la garanayn cid ay ka tirsan yihiin.

Ugu dambeyn, Marxuumad Dhudi ayaa waxay ka mid ahayd Haweenka sida gaarka ah ugu ololeeya amniga, xasilloonida iyo horumarka Haweenka Puntland, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkeeda.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya