4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
SAWIRRO: Ciidamada Booliiska oo ka billaabay Hawl-gallo lagu Adkeynayo Amaanka Muqdisho


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Ciidamada Boliiska Gobolka Banaadir iyo Ciidanka Sida gaarka ah u Tababaran ee RRT boliiska, ayaa xilliyada habeenkii ah hawlgalo Amniga lagu Xoojinayo ka sameeya is-goosyada Muqdisho, taasoo qayb ka ah si shacabka Muqdisho ku nool ay ugu soomaan uguna afuraan nabad, sida ay sheegeeen mas’uuliyiinta Booliiska.

Ciidamadan, ayaa gaadiidka yar-yar weydiinaaya aqoonsi inay haystaan, kadibna fasaxaya, walow Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Mooto Bajaaj-ta kasoo dajinaya dadka saaran si ay baaritaanno u marsiiyaan, kaddib fasaxaya.

Baaritaannadaan, ayaa ka duwan baaritaannadii hore madaama ciidanka baaritaanka ay ku sameyn jireen oo keliya gaadiidka yar-yar, Laakiin hadda baaraya Baabuurta noocyadooda kala duwan.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, Col. Bishaar Abshir Geeddi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay baaritaannadan, isagoo xusay inay tani Qayb ka tahay xoojinta Ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

“Runtii, Waxaan hawl-gallo ka sameynay Caasimadda Somalia ee Muqdisho qaybo ka mid ah, kuwaasoo lagu sugayo amniga gobolka Banaadir, Hawshaas waxaa qayb ka ah ciidanka booliiska qaybta guud iyo ciidanka sida gaarka ah  uTtabanbaran ee loo yaqaan RRT oo ka tirsan Booliiska Somalia. Hawl-galkana waa mid habeenkii si toos ah u soconaya inta lagu Riro ramadaanka,” ayuu Col. Bishaar.

Ugu dambeyntii, Taliyaha ayaa ka cosaday shacabka Gobolka banaadir  inay Nabadda u is-taagaan, lana shaqeeyaan Ciidamada, si Amniga loo Adkeeyo, kuwa Amni-darrada wadana looga hor-tago.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya