4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Warshad Farsameysa Biyaha Nadiifka ah oo laga Hir-galiyay Beledweyne (DAAWO MUUQAAL)


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Warshadan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah lagana her-galiyo magaalada Beledweyne, ayaa soo saarta biyaha musa-saxada ah ee ku jira cagagga oo laga heli karo hadba inta liitar ee biyo ah oo loo baahdo.

Farsamo-yaqaannada ka Hawl-galiyay Warshadan, ayaa sheegay Warshada noocan oo kale ah horay looga dhisay dalal caalamka ku yaala gaar ahaan wadamo ka tirsan qaarada Africa iyo Asiya.

Qalabka warshadan ayeey sheegeen in marka la eego la oran karo waa kuwii ugu horeeyay ee noocooda ah ee la keeno gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo intaa ku darray  in saacadii ay awood u leeyihiin in ay soo saaraan 10,000 oo Caagaga Xiran oo 600-ml, Taasoo marka loo eego magaalada la oran karo waa tiro aad u badan.Madaxa Warshada Maxamed Tahliil Maxamuud, ayaa sheegay in ganacsato iyo dadka kale oo isku tagay lagu Aas-aasay Warshadaan oo Ahmiyad gaar ah u leh Guud ahaan Gobolka iyo deegaannada kale ee ku dhaw dhaw.

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in mustaqbalka dhaw ay qorsheynayaa inay soo kordhiyaan Cabitaanka laga sameeyo Dalagga kasoo go'a beeraha gobolka oo fursad dhaqaale abuur ah u noqon karta beeraleyda.

''Annagu ma ahan inaan faa'iido doonnahay oo kaliya ee waxaan rabnaa inay shaqo arrintan ka hellaan dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed, sidoo kalana Ganacsatada Dalagyada kasoo go'an beeraha ka hellaan fursado dhaqaalle'' ayuu yiri Max'ed Tahliil.

Ugu dabmeyn, biyaha nadiifta ah ee magaalada laga cabo ayaa markii hore laga keeni jiray masaafo dhan ilaa 1000-KM oo Qiimo badan ugu kici jiray Ganacsatada Gobolka oo hadda awood u yeeshay in ay ka helleen gudaha Beledweyne biyo nadiif ah oo qiimo jaban.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya