4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
MADAXWEYNE XASAN: Diyaar ayaan u nahay in aan la noqono Qoxootigeena Dhadhaab ku Nool


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta  Madaxtooyada Waddanka Kenya ee Magaalada Nairobi ka Sheegay Maanta inuu Dalkiisu diyaar u yahay in ay dib ugu soo laabtaan Qoxootiga ku nool Dhadhaab; si ay uga qaybqaataan dib u dhiska Qaranka.

Xasan Sheekh, ayaa Hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo ay Wadajir ugu qabteen isaga iyo Kenyatta Xarunta Madaxtooyada Dalka Kenya ee Nairobi, ayuu ku sheegay in dib u celinta Qoxootiga ay noqoto mid Waafaqsan Xeeerarka Caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in arrinta muhiimka ah ee la doonayo ay tahay in marka hore la darso deegaanada la dajinayo qoxootiga iyo in ay leeyihiin dhamaan kaabayaashii bulshada ee loo baahnaa.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu uga mahad-celiyay Dowladda Kenya marti-gelintii Qoxootiga Soomaaliyeed ay Dalkeeda ku haysay muddada 25-ka Sannadood ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay ka ciyaari karaan qoxootigu door wanaagsan dib u dhiska Somalia, Wuxuuna Sheegay in Kenya ay ka heleen waxbarasho wanaagsan intii ay ku noolaayeen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya