4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Ciidamada Galmudug oo Mushaar ahaan loogu Qaybiyay Lacago laga Ururiyay Dadweynaha


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Ciidamadda Amniga Maamulka Galmudug, ayaa Maanta la siiyay mushaarkooda kadib markii shacabka deegaanka ay qeyb weyn ka qaateen sidii ay ubixin lahaayeen mushaarka ciidanka amaanka Galmudug.

Ciidamadan ayaa ka howla deegaanada uu gacanta ku hayo maamulka Galmudug Waxayna ka shaqeeyaan amaanka deegaanadaasi sidii uu ku hagaagi lahaa , Guddoomiyaha degmada Guriceel Xuseen Salaad Ibraahim ayaa sheegay in shacabka ganacsatadda ah ay qeybta ugu weyn ka qaateen in ciidanka mushaarkooda la siiyo taasina ay amniga xoojineyso.

Guddoomiyaha Guriceel, Xuseen Salaad Ibraahim, ayaa sidoo kale Wuxuu Ciidamada ugu baaqay inay si Wanaagsan u gutaan waajibaadkooda ku aadan ilaalinta Amniga Deegaanka iyo shacabka waa muhiim in dadku ay Amnigooda ka shaqeeyaan waxay taasi caawineysaa horumarkooda.

Hiiraan Online, News Desk