4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2016
Alshabaab oo Xalay Weerartey Fariisin Ciidanka DFS ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellada Dhexe



Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL)-Dagaal xooggan ayaa xalay  ku dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa xarakada Alshabaab gobalka Shabeelaha Dhexe ee koofurta Soomaaliya.

 

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Masjid Cali Gaduud kadib markii xarakatu Shabaab ay fariisinkaasi ciidamada dawlada ay weerartay.

 

Dagaalkaa ayaa waxaa laisu adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka oo ay kujiraan qoryaha darandooriga u dhaca iyo madaafiicda goobta.

 

Khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan faahfaahin dheeraad laga hayn ayadoo dawlada Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaaliya badankeedu ka gaabsadeen oo wax badan aysan ka sheegin ama aysan ka qorin.