4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2016
Amaanka Gobolka Bari ee Puntland oo la Adkeeyay


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland,  Yuusuf  Maxamed Aweys oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in si weyn  loo adkeynayo ammaanka deegaanada Puntland.

Wuxuu  guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland  sheegay in bishaan barakaysan ee Ramadaan ammaanka gobolka Bari aad loo adkeynaayo gaar ahaan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay aad u adkeynayaan ammaanka guud ee deegaanada Puntland, isagoo tilmaamay in ay suuragal tahay in ururka Al-shabaab uu weeraro ka geysto deegaanada Puntland.

Gobolka Bari ayaa waxaa kutaal magaalada Bossaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland taasoo ah xarun ganacsi oo muhiim ah.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]