4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Kooxo Hubysan oo Muqdisho ku Dilay Askar ka Tirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka Somalia


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Weerar ay kooxo hubeysan xalay la beegsadeen gaari ay wateen ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay Hal askari sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Degmada Huriwaa iyo kuwa Dowladda, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

Kooxaha hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in gaariga ay wateen Ciidanka Nabad-sugidda ay ku hor-jareen Baabuurkii ay wateen, kaddib ay Rasaas ku fureen, taasoo keentay dhimashada iyo dhaawaca askartan.

Baabuurkii ay wateen Kooxaha Hubeysan ayaa Goobta ka baxsaday, waxaana hadal ay Al-shabaab soo dhigtay baraheeda ku sheegtay inay Weerarkaas ku dishay shan ciidamada Sir-doonka Dowladda Somalia ka mid ah.

“Weerarkan waxaa ku dhintay Hal Askari oo Ciidamada Nabad-sugidda Somalia ka Tirsan, Saddex Ruux oo laba ay ahaayeen Shacab ayay dhaawacyo kasoo gaareen weerarka,” ayuu Xog-hayaha Maamulka Degmada Huriwaa uu isagana u sheegay HOL.

Ma jirto illaa hadda cid loosoo qabtay Weerarkaas, waxaana weerarkan uu aadayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay adkeynayso Amniga Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan, si aysan u dhicin weerarro.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weeraro toos ah iyo kuwo qorsheynsan ka geysataa Deegaannada ay Dowladda Somalia ka taliso, waxaana toddobaadkii lasoo dhaafay weerar khasaare badan geystay ay ku qaadeen Hotel Ambassador – Muqdisho oo ay Xildhibaanno ay ku dhinteen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya