4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2016
Ciidamadu waa inay Dhawraan Xaquuqul Insaanka

 

Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL)-Ciidamadu waa inay dhawraan xaquuqul insaanka! Waa cinwaanka uu qoray barafasoor Kenyan ah isla markaana cilmi baare u ah hayada xaquuqul insaanka ee Amnesty International (AI) kaasoo lagu magacaabo Patrick K. Mbugua.

 

Maqaal uu qoray oo maanta kusoo baxay barta wararka ee wargeyska Daily Nation oo kasoo baxa Nairobi Kenya ayaa wuxuu ku sheegay in  Soomaaliya xadgudubyo badan oo ka dhan ah xaquuqul insaanka ay ka dhaceen gaar ahaan koofurta iyo bartamaha sidaa daraadeedna loo baahan yahay in ciidamada AMISOM la qalabeeyo si ay u dhawraan xaquuqul insaanka barakaceyaasha.

 

Wuxuu sheegay in badi xad gudubyadu ka dhaceen xeryaha barakaceyaasha. Wuxuu sheegay in badbaadinta barakacayaasha ay ku yarayd AMISOM ayadoo awood aan arinkaa u lahayn.

 

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in loo awood siiyo sidii ay u badbaadin lahaayeen dadkaasi ayadoo dhawaan waqtiga ay sii joogayaan ciidamadaasi la kordhiyay.

 

Ciidamada AMISOM ayaga qudhooda ayaa lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xaquuqul insaanka.

 

Bishii 7aad ee 2015 waxaa jiray warar sheegaya inay ciidamada AMISOM rasaas ku fureen dad rayid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada AMISOM  waa ay beeniyeen arinkaas.

 

Dadka u dooda xaquuqul insaanka ayaa sidoo kale qoray in ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya qaarkood ay ku kaceen xadgudubyo dhanka galmada ah oo ka dhan ah dumar iyo hablo Soomaaliyeed.

 

Patrick K. Mbugua ayaa maqaalkiisa ku sheegay in dhawridda xaquuqul insaanku muhiim u tahay guusha hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

 

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]