4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Ciidamada Itoobiya oo la sheegay inay Shacab ah ku laayeen Deegaano Hoos-taga Gaashaamo


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Inta la hubo kow iyo labaatan qof oo Afar haween yihiin ayaa ciidanka Itoobiya ku dileen Deegaanka Jaamac Dubad oo Bariga ka beegan Degmada Gaashaamo oo hoos timaadda gobolka Dhagax Buur ee bariga Itoobiya.

Ehellada Dadkaan la laayey ayaa sheegay in 21 shacab ah uu ciidanka Itoobiya, gaar ahaan Liyuu boolisku ku dileen Deegaankaas, inkastoo Wararka Qaarkood ka badinayaan Tirada intaas oo ku sheegeen 26-qof.

Wararka laga helayo deegaanka waxay tibaaxayaan in khilaafka u dhexeeya ciidanka dalka Itoobiya iyo shacabka Deegaanka uu dhashay kaddib markii ciidanka Itoobiya isku dayeen in gaadhi aan lahayn numarka Itoobiya oo ka tagay dhanka Somaliland isku dayeen inay ka ka-xaystaan balse waxaa ka hor istaagay dadka deegaanka, ka dibna ay ciidamo dheerad ah u dalbadeen, kuwaasoo dadkii u adeegsaday rasaas, taasina ay keentay inuu khasaaruhu kor u sii kaco.

Dhanka kale, warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in shacabka deegaanku jid-gooyo u galeen Gaadiid Ciidan ah, kuwaas oo khasaare gaadhsiiyey, inkastoo aan la kala cadeyn Karin inta uu leeg yahay khasaarahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Way adag tahay in  la ogaado khasaaraha dhabta ah ee deegaanka ka dhacay, Marka laga reebo Cuqaasha iyo Odayaaha Dadkaan la laayey oo iyagu ka Warrami kara uun dhinaca Dadka Deegaankooda inta ka Geeriyootay, inkastoo wali Tiro-koob Dhab ah lagu samayn.

Ugu dambeyntii, Dhinaca Itoobiya aya iyaduna adag tahay sidii war faahfaahsan looga heli lahaa, xidhiidh lala sameeyaana adag yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland