4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Madaxweynaha Uganda oo Xaaskiisa ku daray Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Arrin si weyn u soo jiidatay Warbaahinta ayay Noqontay kaddib markii madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni uu xubnaha Golaha Wasiirrada Cusub ee Xukuumaddiisa uu kusoo daray xaaskiisa Janet Museveni.

Madaxweyne Museveni ayaa Magacaabay 80 Wasiir oo qaar ka mid ah isku Shaan-dheyn dhinaca Xilalka lagu sameeyay.

Janet Kataaha Museveni, ayaa noqoneysa Wasiirka Waxbarashada iyo Cayaaraha Uganda, iyadoo horay u soo noqotay Wasiir-u-dowlaha Gobolka Karamoja.

Dad badan, ayaa Arrintaan Su'aal ka keenay, Waxaana la leeyahay Xaaska Madaxweynaha Uganda, Waxaa ay hadda ka mid tahay Wasiiradda ugu awood badan gollaha cusub ee lagu dhawaaqay, taasoo muujinaysa in inta badan madaxda Afrika aysan kala saarin Qoyskooda iyo Xukunka Dalka.

Ugu dambeyn, Marka laga soo tago xilka sare ee loo magacaabay Janet Kataaha Museveni, sidoo kale curadka madaxweyne Museveni, ayaa ka mid ah Saraakiisha ugu Awooda badan dalkaasi Uganda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya