4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Xildhibaano Gurmad u Fidiyay Dadkii ay Saameeyeen Fatahaadihii ku Dhufatay Beledweyne


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Xassan Ibraahim Qoono oo ka mid ah  mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lacag dhan $ 5000 oo doolar ugu deeqay qoysaskii ay saameynta ku yeelatay fatahaadii dhawaan ku dhufatay Beledweyne.

Gargaarkan, ayaa waxaa ka faa'iideystay ilaa 50 qoys oo ka mid ahaa Dadkii ugu jilicsanaa dhibaatada ka soo gaartay fatahaada, kuwaa oo ka mahad celiyay deeqda la soo gaarsiiyay.

Mudane Qoono, ayaa Xusay in markii uu arkay dhibta dadka heysata uu gartay in lacagtaas uu ku deeqo.

 

Sidoo kale, xildhibaan Shuuriye Muumin Afrax oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa 100 qoys  oo danyar ah gaarsiiyay deeq lacageed, Waxaana Qoyskiiba la siiyay lacag dhan 50-doollar.

Ugu dambeyn, Waxgaradka Magaalada Baladweyne ayaa ugu baaqay mudanayaasha kale ee baarlamaanka in ay qaadaan talaabo la mid ah tan ay qaadeen labada xildhibaan soona caawiyaan dadka jilicsan xili lagu guda-jiro bisha Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya