4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
Roobabkii Gu'ga ee Sanadkaan oo Sidii La Failaayay Aan Uga Da'in Soomaaliya

Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL)-Laga soo bilaabo May 21 ilaa 30, roob ka yar intii la filaayay ayaa ka da'ay dalka oo dhan waxaana sii socota abaartii.

Sida ay ku soo warameen hayado samafal oo arinkaa u kuur gala, Waqooyi Galbeed Soomaaliya waxaa ka da'ay roob u dhexeeya 10 iyo 50mm.

Roobab aan gaarsiisnayn intii la filaayay ayaa ka sidoo kale da'ay qeybo ka tirsan Jubada Hoose, Gedo iyo Baay. May 21 ilaa 30, roobabkii ka da'ay wuu ka yaraa roobabkii xiligaas oo kale ka da'ay sanadihii 2011 ilaa 2014 dalka oo dhan.

 Roobab kama aysan da'in inta badan qeybaha gobolka Togdheer waxaan ka ahayn galbeedka Golis oo ka tirsan degmada Sheekh.

Sanaag roobab meel dhexaad ah ayaa iyana ka hooray in kastoo roobab aan lasoo sheegin inay xilligaan ka hooreen gobolka Sool!

Bari waxoogaa roobab ayaa ka da'ay kuwaasoo aan mahiigaan ahayn isla markaana waqtiyada ay da'aayeen ay gaagaabnaayeen.

Roobabkaa yaa ka hooray degmooyinka Qandala iyo Bossaso. Wax roobab ah xilligaa lagama soo sheegin Addun, Hawd, iyo waqooyiga Mudug iyo weliba dhulalka xoola dhaqatadu dagaan ee gobolka Nugaal.