4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
DAAWO: Al-Fanaan Shimaali Axmed Shimaali oo Dib boorka uga jafay Mih-naddiisii Harqaanlaha


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Fannaanka Soomaaliyeed - Shimaali Axmed Shimaali oo Dalka dib  ugu soo laabtay ayaa dib boorka uga jafay mihnadiisii harqaanle -nimada, isaga oo dukaan weyn oo dharka lagu tolo ku leh degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Shimaali oo dalka ka baxay ka hor bur burkii dowladdii Max'ed Siyaad Barre ayaa sheegay in wixii waqtigaa ka danbeeyay uu ku noolaa dalka Saudi Arabia oo uu kala kulmay nolal aad u adag.

Fanaanka ayaa sheegay in uu arkay rag waqtigii uu dalka isaga baxayay aan waxba heysan oo Hadda Tujaar ah, Taasoo ayuu yiri igu Dhiirri-galisay inaan Dib ugu laabto Ganacsiga xirfadan [Harqaanle-nimada].

“Rag aan saaxiibo nahay ayaa anniga oo hotel degan igala sheekeystay nolasheyda, waxay i weydiiyeen haddii ay i maal-galiyaan in aan diyaar u ahay inaan shaqeysto iyo in kale, dukaankan ayeey dhawr kun oo Doollar galiyeen, lacagtana si tiriib-tariib ah ayaa dib ugu celin doonaa,'' ayuu yiri Shimaali.

Isagoo ka Hadlayay Waayihiisa faneed - ayuu sheegay inay Dadka si weyn ugu Taageereen Heestiisii Qurbaha oo erayadeeda ay ka mid yihiin; [Haddii aan Oran lahaa Maxkamadaan Aadayaan Raggu Show Aayo Maleh Ashuukey ku Adamaan Haweenka Ka amar Weyn].

Shimaali Axmed Shimaali oo ka mid ah fanaaniinta sidda weyn Codkooda loo jecel yahay, ayaa sheegay in uusan ka bixi doonin fanka, laakiin ay muhiim tahay in fursad la siiyo sida uu hadalka u dhigay fanaaniinta yar yar ee hadda fanka ku soo biiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya