4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
illary Clinton oo Taageerayaasheeda uga mahad-celisay Guusha ay ka Gaartay Doorashada


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Murashaxada Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Marykanka Hillary Clinton, ayaa u Mahad-celisay Taageerayaasheeda oo ay sheegtay inay si weyn ugu caawiyeen inay ku guuleysato Magacaabista Xisbiga Dimuquraadiga.

Clinton, ayaa xustay inay guuleysatay oo ay heshay magacaabista Xisbiga Dimuquraadiga, taas oo daba-socotay guul weyn oo ay ka heshay Gobolka New Jersey ee Mareykanka.

Sidoo kale, Murashaxada ayaa sheegtay inay filayso ay Taageero aan caadi ahayn ka hesho Wufuudda gaarka ah ee bisha July ee sanndkan codeyn doona. Waxayna noqonaysaa ruuxii u horreeyay oo Haweeney ah oo hesha Awood ay Xilka Madaxweynenimo ugu Tartanto oo Magacaabis ka hesha mid ka mid ah labada Xisbi ee Mareykanka.

Dhanka kale, H. Clinton oo la Hadleysay Taageerayaasheeda Brooklyn, ayaa sheegtay inay Guul weyn ku tallaabsatay Taariikhda Waddanka Mareykanka.

Mrs. Clinton ayaa waxay bogaadisay ololaha uu sameynaayay ninka la tartamaya ee Bernie Sanders. Laakiinse waxay ku eedeysay musharaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump inuu yahay ruux aan u qalmin inuu Madaxweyne noqdo.

Ugu dambyn, Weli waxaa la sugayaa natiijada codeynta gobolka California, taasoo Cadeyn doonta in Hillary Clinton ay ku fuuleystayay magacaabista Xisbigeeda iyo in kale, inakstoo tiro yar ay u baahan tahay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya