4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2016
Yusuf Garaad oo loo magacaabay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhindoona Qaramada Midoobay


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa u magacowday Yusuf Garad Cumar Madaxa joogtada ah ee Ergada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

Magacaabistan waxaa HOL u xaqiijiyey Yusuf Garaad Cumar oo hadda ku sugan Magaalada Moqdisho ee Xarunta Soomaaliya.

Danjire Yusuf Garaad oo horay madax uga ahaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda, ayaa wuxuu beddeli doonaa danjire Dr. Climi Ducaale oo in ka badan 10 sano Soomaaliya safiir uga ahaa Qaramada Midoobay (QM).

Yuusuf Garaad ayaa wuxuu Sannadkii 2012-kii, isku soo Sharraxay jagada Madaxtinimada Soomaaliya, balse wuu ku guul-darreystay.

Sidoo kale, intaan loo magacaabin xilkan cusub, Yusuf Garaad wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala talin jiray arrimaha la xiriira warbaahinta.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar, ayaa tariikh dheer ku leh warbaahinta Soomaaliya isaga oo si weyn loogu xasuusto doorkii uu ka qaatay intii madax ka ahaa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waana shaqsigii Soomaaliyeed ugu dambeeyey ee madax ka noqda laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.