4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 8 , 2016
SAWIRRO: Hormuud Foundation oo Deeq Lacageed u Qaybisay Bukaanada ku jira Isbitaalada Muqdisho


Arbaco, Juun 08, 2016 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation, ayaa Kaalmo lacagteed gaarsiisay shalay bukaannada Isbitaallo ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo kala ah:  Keysaney, Madiina, Banaadir iyo Dayniile.

Kaalmadaan lacageed ayaa ujeedkeeda lagu sheegay inay qayb tahay deeqaha ay ugu Talo-gashay Hay’addu Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Iyadoo mid walba oo ka mid ah bukaan-nada la siiyay $100 Boqol Doollar].

Agaasimayaasha Isbitaalladan ayaa ka mahad-celiyay deeqda Hormuud Foundation au soo gaarsiisay bukaannada isbitaalladooda ku jira; iyagoo sheegay in Hormuud Foundation ay tahay hay’adda kaliya ee deeqo soo gaarsiisa Isbitaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay'ada Hormuud Foundation oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in kaalmadan ay ugu talo-galeen Bukaannada inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Kaalmadan, ma ahan middii u horeysay ee aan bishan Ramadaan, mana noqonayso middii ugu dambeysay,” ayuu yiri Guddoomiyuhu Hay'adda Hormuud Foundation, oo Sheegay in kaalmooyin noocan oo kale ah ay bixin doonaan.

Ugu dambeyn, Hay’ada Foundation ayaa dhawaanahan wadday  bixinta kaalmooyin ay ugu talo-gashay bisha Barakeysan ee Ramadaan, kuwaasoo lagu taageerayo Dadka dan-yarta ah ee Soomaaliyeed.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya