4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2016
Mareykanka oo Dowladda FS ugu baaqay inay Cadaaladda Horkeento Kooxihii Dilay Wariye Sagal


Talaado, Juun 07, 2016 (HOL) — Ergada Mareykanka u Qaabilsan Arrimaha Somalia ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay si kulul ugu cambaareeyeen dilkii shanta Bishan Muqdisho kooxo bastoolado ku hebeysan ay ugu geysteen Allaha u raxmadee Sagal Salaad Cismaan oo ka tirsaneyd warbaahinta dowladda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri. "Xukuumadda Washington waxay u diraysaa Tacsi qoyska, Saxiibbada iyo dadkii ay la shaqeynaysay Sagal Salaad, isla markaana waxaa saxafiyiinta Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay sii wadaan halgenka ay ugu jiraan ilaalinta xoriyada hadalka ayaga ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed”.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka codsatay in cadaalada hor keento dambiiliyaashii ka danbeeyay dilka gabadhaaas wariyaha aheyd.

Hiiraan Online, News Desk