4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2016
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ka Wada-hadlay Xoojinta iyo iskaashiga labada Dal


Talaado, Juun 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Kenya ee Nairobi.

Labada Madaxweyne ayaa isla Gor-feeyay Arrimaha Qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Arrimaha Amniga, is-kaashiga Dhaqaalaha, isku socodka Shacabka labada Wadan, arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Somalia ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa Xiriirka labada Dal, wax alaale wixii Caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.

“Soomaaliya & Kenya xulashada keliya ee ay haystaan waa inay ku noolaadaan derisnimo wanaag iyo wax wada-qabsi. Waxaan Xaqiijinayaa in Somalia ay daa’imi doono Saaxiib-tinimada iyo Xiriirka Walaaltinimo ee kala dhexeeya Kenya,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa isna dhankiisa xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, isla markaana hadafka uu yahay in lagu wada noolaado xasilooni, nabadgelyo, barwaaqo iyo iskaashi dhan kasta oo labada shacab dan u ah.

“Waxaan aamin-sanahay in Somalia iyo Kenya ay isku yihiin waddan Qura oo Gumeysiga uu kala qeybiyay. Sida muuqata waxaan nahay Shacabka isku mid ah oo Wadaaga wax walba. Waxayna Xukuuumaddeyda iyo shacabkaba Kenya ka go’an inay taageeraan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale dib isugu soo laaban doona beri, markaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo wadahadalka labada dhinac, lagana soo saaro war murtiyeed.

Ugu dambyn, Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgaley mas’uuliyiin ka socotey labada dowladood.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya