4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2016
Tartanka Cayaaraha Ramadaanka oo u furmay Soomaalida Magaalada Johannesburg (SAWIRRO)


Talaado, Juun 07, 2016 (HOL) — Koob Cayaareedka Kubadda Cagta ee Ramadaan oo ay iska-kaashadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo Naadiga Xidigaha Da'da yar ee Xaafadda Mayfair Magaalada Johannesburg ayna maal-galisay Shirkadda Yummy snacks oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ugu horeyn lagu furay kooxaha MYS FC iyo Nura Hotel. cayaarahan oo ka soconaya garoonka Orlando Parties ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona illaa shan kooxood oo ka dhisan magaalada Johannesburg.

Daahfurka Ciyaarta oo ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha dagmada Mayfair, maamulaha Nura Hotel, maamulka shirkadda Yummy snacks, hogaanka Naadiga xidigaha da'da yar ee Mayfair iyo qaar ka mid ah kaptanada kooxaha ka qeyb qaadanaya cayaarta, kuwaasoo ka hadlay xafladda furitaanka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in loo qabto koob ciyaareedka bisha Ramadan lana imaan doonaan ciyaar wanaag aya u mahad-celinayaan shirkadda Yummy snacks oo dhiirigalintaan usameysay.

Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Koob ciyaareedka bisha Ramadaan mudane Ceydaruus Ismaaciil Cilmi oo daahfuray Cayaarta is araga koowaad ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin suurtagalnimada ay u hirgashay inay furaan Koob loogu magac daray bisha Ramadaan oo ay qabsoomidiisa gacan kageesatay shirkadda Yummy snacks oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.

C/raxmaan Amiin oo ku hadlayay magaca maamulka Shirkada Yummy snacks ayaa xusay inay dhiirigalinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee Magaalada Johannesburg, ayna gacan ka Geysanayaan Qabsoomida koob Cayaareedkaan Kubadda Cagta ee Bisha Ramadaan ee barakeysan.

Guddoomiyaha dagmada Mayfair, Jerry Musesi oo Gaba-gabadii Cayaarta ka hadlay ayaa sheegay inay farxad u tahay inuu kala soo Qayb-galo Dhallinyarada Soomaaliyeed koob cayaareedka Bisha Ramadaan, wuxuuna tilmaamay intuu daawanayay cayaarta in naadiga xidigaha da'yarta xaafadda Mayfair ay ciyaar wanaag layimaadeen guushana ay ku hanteen 3-1, isagoo Soomaalida urajeeyay Ramadan wanaagsan.

Ugu dambeyn, Cayaartaan lagu Maamusayay billashada Ramadanka oo ay Maal-galisay Shirkadda Yummy snacks ayaa waxay socon doontaa inta lasooman yahay, iyadoo abaalmarino iyo koobab lagudoonsiin doono kooxaha kuguuleysta kaalmaha hore taasoo dhiiragalin u ah da'yarta Soomaaliyeed ee qurbaha kusugan gaar ahaan wadankaan Koonfur Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika