4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2016
Qarax Goor-dhaw 11 Ruux ku dilay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga


Talaado, Juun 07, 2016 (HOL) — Inta la xaqiijinayo 11 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax lagu bartilmaameesaday bas boliisku leeyihiin oo marayay  deegaanka Vezneciler ee mashquulka badan kaasoo la lagu soo beegay xilli subaxa hore ah oo dadku si weyn u mashquulsanayeen.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxa saakay, hasse ahaatee Waayadii ugu Dambeeyayba Waxaa aad u badnaa qarayada kala duwan ee lagu Bar-tilmaameedsado magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Turkiga .

Arrintan ayaa salka ku heysa dareenka ay qabaan kooaxha Kurtiyiinta Gooni-gooska ah iyo rabshadaha ka jira dalka dariska la ah ee Siiriya.

Guddoomiyaha Istanbul ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in illaa iyo hadda ay 36 ruux oo ku dhaawacmeen Qaraxan.

Ugu dambeyn, Muuqaalka goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya burburka baska iyo guryihii ka ag dhawaa oo burbur soo gaadhay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya