4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 7 , 2016
Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab Waxaa Laga Yaabaa inay Saameyso Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Talaado, Juun 07, 2016 (HOL)-Guddiga qaran ee Kenya u qaabilsan xaquuqul insaanka iyo Xarunta Talabixinta Sharciga (Legal Advice Centre) ayaa sheegay in xiritaankii dhawaan la xiray Waaxda Arimaha Qaxootiga ee Kenya ay ahayd sharci darro.

Arintan ayaa timid ayaadoo shalay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud uu booqday xeryaha Dhadhaab oo qaxootiga ugu badan ee kujira ay yihiin Soomaali kasoo qaxay colaada sokeeye ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo in dhawaaleba isasoo taraayay cadaadis dawlada Kenya ka imaanaya ayadoo dawlada Kenya ay ka dhawaajisay in badan in xeryahaa la xiraayo qaxootiga Soomaaliyeedna dib loogu celinaayo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale ayaa booqashada Madaxweyne Xassan Sheekh ay kusoo aaday ayadoo dhawaan guddiga qaran ee Kenya u qaabilsan xaquuqul insaanka uu maxkamada tagay si uu isu hortaago go'aanka lagu xiraayo xeryaha qaxootiga ee Soomaalidu kunool yihiin ee kuyaala Kenya.

Guddiga qaran ee Kenya u qaabilsan xaquuqul insaanka ayaa sidoo kale sheegay in xiritaanka la xiray Waaxda Arimaha Qaxootiga ee Kenya ay qaxootiga ka cuna qabateyneyso helitaanka adeegyada muhiimka ah ee waaxdaasi bixin jirtay.

Sidoo kale ayaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxaa in badan laga dalbaday inuu ka laabto ama dawladiisu ka laabato go'aanka lagu xiraayo xeryaha qaxootiga.  

Mar uu dhawaan ka jeedinaayay khudbad Shir Weynihii Caalamka ee Arimaha Gargaarka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Turkiga ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool dib Soomaaliya loogu soo celiyo si nidaamsan oo sharaf leh taasoo waafaqsan sharuucda caalamiga ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh wuxuu sheegay in uusan doonayn “in arinku saamayn kuyeesho xiriirka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya”.

Xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ee Kenya ayaa waxaa kunool boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah.  

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.