4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 7 , 2016
Bannaanbax Looga Soo Horjeedo Maandooriyeyaasha oo Ka Dhacay Xaafada Islii ee Nairobi

Talaado, Juun 07, 2016 (HOL)-Waxaa asbuucaan ka dhacay bannaan bax xaafada Islii ee Nairobi kaasoo looga soo horjeeday isticmaalka maandooriyeyaasha. Dibad baxaas ayaa waxaa ka qeyb qaatay dhallinyaro, haween iyo dad caan ah iyo weliba qeybo kale oo bulshada ah.

Dibad baxaas ayaa waxaa soo abaabushay mid ka mid ah hayadaha samafalka ee ka jira xaafada Islii ee Soomaalidu u badan tahay ee caasimada Kenya ee Nairobi.

In dhawaale, waxaa aad ugu soo badanaayay Kenya dhallinta Soomaaliyeed ama muslimka ah ee isticmaala noocyada kala duwan ee maandooriyeyaasha sida shiishada, jaadka, sigaarka iwm.

Shiishada iyo isticmaalkeeda oo dhawaan aad ugu soo batay Kenya ayaa aad looga deyriyaa ayadoo in badan oo ka mid ah dhaqaatiirtu ay sheegeen in ay aad uga sun badan tahay sigaarka isla markaana ay sababi karto cuduro badan iyo xataa geeri.

Wiilal, gabdho, rag iyo dumar looma kala harin qabatimida shiishada ayadoo loo sameeyay meelo badan oo lagu cabbo; dawlada Kenya ayaa sidoo kale dhawaan xog ay soo saartay ku sheegtay in shiishada in badan lagu daro maandooriyeyaal kale oo badan sida cocaine. 
 

Dhawaan waxaa la hadal hayay in jaadka laga joojiyo Soomaaliya ayadoo dibadbaxaas dadkii ka qeyb qaatay ay ku baaqeen joojinta jaadka iyo dhoofintiisa in Soomaaliya loo dhoofsho.

Kenya ayaa waxaa kasoo gala malaayiin doolar dhoofinta jaadka ayadoo dalka ugu badan ee jaadka ka iibsada Kenya uu yahay Soomaaliya. 

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.