4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 7 , 2016
Madaxweynaha Turkiga iyo Boqorka Jordan oo ka Qayb-gelaya AASKA Maxamed Cali Kalaay

Talaado, Juun 07, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Turkey, Reccep Tayyip Erdogan iyo Boqorka Jordan, Boqor Cabdalla, ayaa Maraykanka uga qayb-galaya Aaaska Eebbe ha u naxariistee Feeryahankii Maraykanka ahaa, Maxamed Cali Kalaay oo ku geeriyooday Jimcihii hore Isbitaal lagu daweynayay.

Afhayeenka Qoyska Maxamed Cali Kalaay, ayaa sheegay in Aaska Maxamed Cali Kalaay uu ka dhici doono Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucky maalinta Jimcaha ah, ayna kasooo qayb-geli doonaan madax kala duwan oo caalamka ka socda.

Xaflad lagu qaban doono Garoon Ciyaaraha Louisville waxaana ka qayb-geli doona 22 kun oo qof, iyadoo markaas kaddib maydka Kalaay la marin doonaa waddooyinka Magaaladaas oo ah tii uu ku dhashay, iyadoo aaskiisana si toos ah looga daawanayo Caalamka oo dhan.

Sidoo kale, Maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la qaban doona Xaflad Aas ah oo Qoyska Maxamed Cali ay ka Qayb-geli donaan, iyadoo dhanka kalena Salaad Janaaso ah lagu tukan doono Maydka Maxamed Cali Kalaay.

Dhanka kale, Afhayeenka qoyska Kalaay ayaa xusay in habka Aaska uu u dhacayo uu hore u sii Qorsheeyay Maxamed Cali Kalaay ka hor inaanu geerioon.wuxuuna ku daray intaas in Kalaay uu doonayay in dad diimo kala duwan haysta ay maydkiisa kasoo Qayb-galaan.

UGu dambeyn, Dadka Aaska ka hadli doona waxaa ku jira Madaxweynihoii hore ee Dalka Maraykanka Bill Clinton, oo muddo dheer ay saaxiibo ahaayeen Maxamed Cali Kalaay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya