4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2016
MADAXWEYNAHA: Dib u celinta Qoxootigeenna Waxay Noqonaysaa mid Khiyaari ah (SAWIRRO)


Isniin, Juun 06, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh, ayaa Qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya u sheegay in lama huraan ay tahay inay dib Waddankooda ugu laabtaan, iyadoo dib u noqoshadoodana la Waafajinayo xeerarka caalamiga ee qaxootiga.

Madaxweynaha oo maanta qaxootiga Soomaalida kula hadlayey xeryaha Dhadhaab, ayaa xusay inaaney waxba ka jirin wararka sheegaya in qaxootiga si qasab ah xadka looga tallaabin doono, isla markaana Kenya oo ah dal lagu yaqaano dimoqraadiyadda iyo ku dhaqanka sharciga aaney ka suuroobin inay fal noocaasi oo kale ah ku dhaqmaan.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta halkan idin ku soo booqdo. Kenya waxaan uga mahad-celinayaa soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u sameysey boqolaal kun oo shacab Soomaaliyeed ah oo dalkooda dhibaato ka jirtey ka soo cararey. Maanta dalkeenii xaaladda way ka soo reyneysaa, waxaana lama huraan ah inaad dib waddanka ugu soo laabataan. Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR horey waxaa u dhexmarey heshiis ku saabsan dib u laabashadiina, waana khiyaari ee ma jirto ruux la qasbi doono,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddooyinkan dambe ku jirtey inay degmooyinka u suurageliso inay yeeshaan adeegyada aasaasiga ee nolosha.

“Markii aan xafiiska qabtey muddo haatan laga joogo afar sanno, waxaan dejiney siyaasad aan ilaa 72 degmo oo u badan koonfuurta dalka uga hirgelineyno adeegyada aasaasiga ee nolosha. Taasina waxay idin tuseysaa inaan mar walba idin ka war hayno, aanna sugeyno inaad inoo soo laabataan. Soomaaliya dib ayay u soo kabaneysaa, soo laabashadiinana waxay dunida u muujin doontaa in xasilooni ay ka jirto dalka.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada wax ku bartey xeryahan iyo machadyada kala duwan ee Kenya, aqoontooda looga baahan yahay dalka, si ay dib u dhiska qeyb uga qaataan.

“Waxaan mar kale u mahad-celinayaa dowladda Kenya, shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, Hay’adda UNHCR iyo hay’adaha kale ee caalamiga ee gacanta weyn ka geysanayey daryeelka shacabkeena halkan magangelyada u soo doontey. Kenya waxay muujisey dulqaad iyo karti dheeri ah, waxayna inoo gashey abaal, mahad-celinna way naga mudan tahay. Waa in meesha laga saaraa dacaayadaha rakhiiska ah ee warbaahinta ay faafinayaan ee shatafta dalkan aan walaalaha nahay lagu waxyeeleynayo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Madaxweynuhu wuxuu kula Dar-daarmey Qoxootiga inay dhawraan sharciga dalka ay martida u yihiin u yaalla, isagoo dhanka kalena ka mahad-celiyay fursadaha ay Kenya siisay ganacsatada Soomaalida, oo iyaguna ka mid noqdey dadka canshuuraha bixiya, horumarka waddanka ay martida u yihiinna kaalin weyn ka geysta.

Ugu dambeyn, Khudbaddiisa ka hor Madaxweynaha waxaa warbixin ka dhageystay, Wasiirka Amniga Kenya, Joseph Ole Nkaissery, wakiilo ka socday qaxootiga iyo xubno kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya