4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2016
Taliska AMISOM oo Maanta xaqiijiyay xiritaanka shan ka mid ah Ciidankooda ku sugan Muqdisho


Isniin, Juun 06, 2016 (HOL) — War-saxaafadeed ay maanta soo saareen hawlgalka Ururka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) soo Saareen maanta ayay ku Xaqiijiyeen in Shan Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM shalay lagu Xiray Magaalada Muqdisho, kuwaasoo lala xiriirinayo inay  si sharcidarro ah ku  iibinayeen qalab melatari.

Askartan, ayaa lagu soo Xiray hawlgal si Wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka AMISOM iyo Ciidamada Booliiska Somalia, taasoo dabasocotay baaritaan horey loo waday ee arrinkaa la xiriira.

AMISOM ayaa horey usii heshay warar tibaaxaya in Ciidamadeeda ku Lug-leeyihiin falal sharci darro ah, kadib iskaashi ay la sammeysay ciidamada booliska Somalia ayay si weyn u baareen arrintan. Baaritaanka ayaa lagu soo afmeerayey Hawl-gal Wadajir ah oo lagu soo qabtay askarta oo haysta shidaal iyo jawaannada difaaca .

Sidoo kale, AMISOM sinna ugu dulqaadanmayso dhaqanxumida ciidankooda ku kaceen, dabiilayaashana sharciga sida uu qabo ayaa lala tiigsandoonaa.

Dhammaan shaqaalaha Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxa qabanaya Xeerka Anshaxa ee u Degsan AMISOM,  Sidaa Awgeedna loo dul-qaadan mayno ka Weecashada hufnaanta heerka shaqo-gudasho iyada oo ciddii garabmarta ay wajahayso sharciga. Iyada oo taa laga duulayo ayuu ku dabakhmayaa xeerka u degsan Hawlgal ee ku aadan heshiiskii ay  kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

AMISOM iyo booliska Soomaaliya  oo iskaashanaya ayaa sii wadaya ka wadashaqeynayta Baaritaanka dhacdadaan si looga gungaaro. AMISOM waxay qaadeysaa Tallaabooyin wax ku ool ah oo ay ku ciribtirayso falalka noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn, In ka badan 22,000 oo Ciidammo ah ayaa ku sugan Soomaaliya, Kuwaasoo oo gacan ka geysanaya dib u soo celinta amniga iyo xasiloonada Somalia, Sidaas darteedna Hadafkooda Sharafta leh waxba Gaarsiinmayso Falal gurracan oo ay ku kaceen Koox yar.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya