4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2016
Cabdicaziiz Xassan Giyaajo-Amalo oo Shaaciyay Murashaxnimadiisa Doorashada Sanadkaan ee Soomaaliya

Isniin, Juun 06, 2016 (HOL)-Xaflad dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa Mr. Cabdicaziiz Xassan Giyaajo-Amalo uu ku shaaciyay murashaxnimadiisa ah inuu u taagan yahay kursiga madaxweynenimada Soomaaliya doorashada sanadkaan ee 2016.

Hawlo badan oo ololihiisa ka mid ah ayaa dhawaan la qabtay ayadoo qado sharaf ay kujirtay loo sameeyay dad ka badan 200.

Dad badan ayaa aad u ammaanay maamuuskiisa iyo dabeecad wanaagiisa.

Asagoo dhawaan khudbad jeedinaayay ayaa masraxa waxaa uu ka sheegay in ay tahay in hada la helo dalkuna u baahan yahay dawlad ka timid dadka una shaqeysa dadka Somaaliyeed.

"Dawladdaas ayaa hal abuur u noqonaysa dib u dhiska qayb walba oo ka mid ah nolosha ummada Soomaaliyeed. Wa inaan dib uga soo hanano dalka inta hor taagan isbedelka, habka dawliga ah iyo dawlad wanaagsan". Sidaa ayuu yiri.

"Waqti aan dhuminno ma hayno. Baahida shacabka ee aasaasiga ah lama fulin. Dhaqaalaheena waa burbursan yahay, bukaankeena iyo saboolkeena waxba uma qaban karno, kaalinta caafimaadka iyo tasiilaadkooda ma dhisna, waxbarashaduna waxay joogtaa heer laga xishoodo xaalka ay ku sugan tahay in laga hadlo". Sidaa ayuu raaciyay.


Wuxuu sheegay in markii uu arkay wadada mugdiga ah ee uu wadanku ku sii socdo uu go'aansaday in uu u dadaalo sidii dalka dib loogu soo hanan lahaa. 

Wuxuu ballaan qaaday inuu samayn doono ciidamo qaran oo xooggan."Waxaan sameyn doonaa ciidan xooggan oo Soomaaliyeed oo dhaqaale leh,tayo,tababar iyo qalab dhameystiran si looga maarmo ciidamada ajaaniibta ah oo dusheena iyo dalkeena lacag ku qaata". Sidaa ayuu yiri murashaxu.

"Soomaliya waxay dib u soo ceshan doontaa karaamadeeda iyo qaranimadeeda marka ay hesho ciidan isku filan oo dalka amnigiisa la wareega'.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday inuu dhisi doono ama hadii la doorto dawladiisu ay dhisi doonto dhaqaalaha dalka isla markaana ay dawladiisu samayn doonto shaqa abuuris ,maal gashi caalami ah iyo in dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ugu madax bannaanaan doonaan ka faaiideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle dalka ku manneystay.

Murashaxa ayaa sidoo kale sheegay in dib u heshiin ballaaran uu dhex dhigi doono asaga iyo dawladiisuba hadii la doorto uuna ka buskeyn doono Soomaalida dhibaatooyinka ay kala tabanayaan iyo weliba in wixii hanti ah oo la kala haysto laisu celiyo.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu dalka gaarsiin doono doorasho hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020 Insha Allaah.