4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2016
DAAWO: Minnesota oo kulan Taageero ah loogu Qabtay Musharax Maxamed C/risaaq (SAWIRO)

Isniin, Juun 06, 2016 (HOL) — Maxamed C/risaaq M. Abubakar oo Musharaxiinta Xilka Madaxwaynimo Somalia ka mid ah ayaa kulan ballaaran oo lagu Taageerayo lagu Qabtay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Musharaxaan oo bishii hore ee May kaga dhawaaqay gudaha dalka Soomaaliya Magaalada Muqdisho in wuu u taagan yahay xilkaa ,intaa kadib waxuu safar dhulka ah ku tagay qaybo ka mida gobolka Bari Sanaag Karkaar, Nugaal iyo mudug dhamaan goboladaa waxuu ku qabtay kulamo kala duwan .

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaan Minnesota ayaa kulankaan si wayn u soo Camiray, waxaana goobtaa laga soo jeediyey khudbado iyo suugaan kala duwan oo lagu taageerayo musharaxa lagu lana dardaarmayay.

Ugaas Ismaaciil Ciiley oo ka tirsan duubabka dhaqanka ayaa kulankaa ku daah furay hadal uu ugu hambalyeey Musharraxa, kagana hadlay dhibta Waddanka ka jirta uguna duceeyey Maxamed hadii khayr ugu jiro in xilka alle siiyo, ugaas Ismaaciil ayaa si ah aad uga hadlay amaanka iyo ciidanka shisheeye ee wadanka ka jira iyo sida dhibtu wali u jirto gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

Caaqil C/llaahi Cali Bare ayaa isaguna ka hadlay waxuuna Taageeray ololaha  doorashada Maxamed Cabdirisaaq, waxuuna yiri hadaan nahay Soomaalida qurbo joogta ah waa xiligii Dhallinyaradu ayna hogaamin lahayd, maxamedna hankaaga hore u wad baan lee yahay.


Cabdi Warsame Gudoomiyaha Dagmada 6aad ee Minneapolis ayaa isna kulanka ka hadlay kuna dheeratay in dalka Soomaaliyeed laga hirgaliyo doorashada qof iyo cod  waxaana kaloo cabdi ka hadlay in dadka soomaaliyeed iyagu isku tashadaan aysan doonin kuna farxin waxii dowlad kale ay u dhisto oo horemarin ah.

Musharaxa madaxaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa halkaa ka jeediyey khudbad aad u dheer wuu uga hadlay Barnaamijkiisa siyaasadeed wuu rabo in wuu dalka ku hogaamiyo,

Isagoo ka hadlaayay xaga dhismaha ciidanka waxuusheegay waa in aan juhdi badan galinaa arintaas , Markaan dhisano ciidan qaran oo Soomaali oo dhan ka kooban waana inaan adkaynaa tayodooda

Dhaqaalaha waxuu yiri waa in la helaa cashuur qaadis ku salaysan baahida dalka dadkuna aaminaa dowladooda bixiyaan cashuuraha iyagoo aan adkaynayno in meel saxa wax walba maraan waana furaha guusha iyo horemarka cashuurta oo la bixiyo loona isticmaalo sida saxda ah.

Wuxuu aad uga hadlay nabadgalyada iyo dib u hishiisiinta oo wuu labadaa qodob barnaamij wayn ku salayeey khudbadiisa.

Ugu dambeyn, Waxaa Kulankaas Heeso iyo Gabayo ka soo jeediyey Fannaaniinta Minnesota iyo hobolkii waynaa Axmed Cali cigaal, iyadoo fanaaniinta Minnesotana ay qaadeen hees lagu taageerayo musharaxa Maxamed Cabdirisaaq.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota