4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2016
SAWIRRO: Muqdisho oo lagu qabtay Dood la Xiriirta Saameynta Shuruurka ee Warbaahinta


Isniin, Juun 06, 2016 (HOL) — Waxaa Muqdisho lagu Qabtay Kulan aad u ballaaran kasoo loogu magacdarey Saameynta uu Sharuurka [lacagta la siiyo wariyeyaasha] uu ku leeyahay warbaahinta waxaana kulanka soo qaban-qaabiyey Somali Media Nework (Shabakadda 13) kulanka oo ay ka qayb-galeen qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Uurrada Bulshadda Rayidka.

“Markaan ogaaney Dhibaatada uu sharuurka ku leeyahay   Warbaahinta ayaan go;aansaney in aan qabano kulankaan  ama  doodaan si Xal looga gaaro Dhibaatadaas  oo saameyn ku yeelatey dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed “saa waxaa yiri Saciid  Xagaa oo ka tirsan Hayadda MEDIA INK oo Taageera ka hesha FREE PRESS UNLIMITED ayaa  u soo jeediyey  ka qayb galayaasha in ay Xooga  saaraan Qododbo muhiim u ah joojinta  ama xal ka gaarista Sharuurka

Xubnihii kale ee halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Dalladda SOSCENSA C/llaahi Maxamed Shirwac Wuxuuna yiri. "Sharuurka Waxa la yiraah Waxaa keenay baahi jirta taasoo aan la xalin way adag tahay in la joojiyo Sharuurka, waxaana oran lahaa arrinta waxaa wax ka qaban kara Maamulka  Warbaahinta marka uu dabaaol Baahida Wariyaha.“

Waxaa kaloo ka hadlay Sh. Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’ada  Culimada Soomaaliyeed  waxaa uu yiri “ Sharuur Warbaahinta qaadato Maxaa idiin tusiyey Wadanka oo dhan baa Sharuureysan  marka aan u wada istaagno sidii Xal looga gaari lahaa arrimaha la xiriira Sharuurka “

Xubnaha  kale ee halkaa ka hadlay, Waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo xusay in arrinta Sharuurka lagu joojin karo in  marka hore la daboolo baahida Wariyaha  maadaama  Mushaarka uu qaato uu aad u yar yahay mida kale Xeerka Saxaafadda waxaa ku qoran warbaahin aan dhaqaalaheeda isu filneyn aan la furi karin taasina waxay horseedi kartaa in Sharuurka meesha ka  baxo.

Sahro Maxamed  Axmed oo ka mid  Masuuliyiinta Hayadda SWDC oo shirka ka hadashey  ayaa ku dheeraatey Xaaladda Wariyaha, Waxaya Carabka ku Dhufatay in marka hore laga hadlo Dhibaatooyinka mar walba loo geysto Wariyaha marka taas la xaliyo ayaa laga hadli karaa Arrimaha Sharuurka sidaa darteed aan gacan ka geysano xaaladaha mar waliba lasoo gudboonaado .Warbaahinta Soomaaliyeed 

Ugu dambeyn, Waxaa halkaa ka hadlay C/raxiin Ciise Caddoow, C/fataax Xalane, Yuusuf  Xasan iyo Faarax Cumar Nuur oo dhamaantood xusay in loo baahan yahay in marka hore Muhiimad la siiyo Wariyaha, si la Daboolo baahidiisa; Sidoo kale waxay soo jeediyeen in Wariayaha marka uu helo shaqo warbaahineed uu saxiixo heshiis si loo helo Heshiis labada dhinac ka wada raali yihiin iyadoo ka qayb galayaasha loo Qaybiyey kooxo-kooxo kuwaas oo kasoo shaqeeyay arrimaha la xiriirka Sharuurka sida xal looga gaari karo.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya