4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2016
Booliska Kenya oo Udigay Mudaaharaadeyaasha Isbahaysiga CORD

 

Isniin, Juun 06, 2016 (HOL)-Booliska Kenya ayaa uga digay taageereyaasha isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya ee CORD oo in dhawaaleba Kenya ka waday dibad baxyo inay sii wadaan dibad baxyada.

Booliska ayaa ugaga digay cawaaqib xumo inay la kulmi doonaan dibad baxayaashaasi hadii ay mudaaharaadaan.

Taliyaha booliska ee caasimada Nairobi, Japheth Koome ayaa sheegay in askartiisu ay diyaar u yihiin inay awood adeegsadaan kuna maquunin doonaan mudaaharaadeyaasha haddii ay lagama maarmaan noqoto.


Dhanka kale, isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya ee CORD ayaa sheegay inay maalin walba oo Isniin ah oo maanta ay ugu horreyso ay dhigi doonaan mudaaharaad caasimada Nairobi gudaheeda.

Isbahaysiga CORD ayaa ka careysan guddiga doorashada ee dalka Kenya ee marka magaciisa lasoo gaabsho loo yaqaano IEBC kaas oo ay dhalliilsan yihiin shaqadiisa ayna sheegaan inuusan dhexdhexaad ka noqon karayn doorashada guud ee lagu wado in la qabto sanadka soo socda ee 2017.

Wuxuu isbahaysiga CORD ku andacoodaa inuu guddigaasi doorashooyinka Kenya uu u janjeero dhanka dawlada haatan talada dalka Kenya heysa taasoo isbahaysiga Jubilee lagu magacaabo uu hoggaamiyo.

Isbahaysiga CORD ayaa horay wacad ugu maray inuu Isniin waliba dhigi doono bannaan baxyo arinkaasna ka dhabeeyay ayadoo laakiin mudaaharaadyo horay loo dhigay ay isu baddaleen carqalado kadib markii booliska iyo mudaaharaadeyaashu ay hardameen dad dhowr ahna ay ku geeriyoodeen.

Mudaaraadyada intii ay socdeen ayaa waxaa booliska Kenya lagu eedeeyay inay awood badan uisticmaaleen mudaaharaadeyaasha.

Walow wada hadal iyo waan waan lagu waday in arinkaa ay ka yeeshaan dawlada Kenya iyo mucaaradka CORD arinka ayaa haatan u muuqda inaan wali wax is afgarad ah laga gaarin.

Guddiga IEBC ayaa waxaa madax ka ah nin kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari ee Soomaalida Kenya isla markaana ah nin Soomaaliyeed oo Kenyan ah laguna magacaabo Mr. Axmed Isaaq Xassan.

Mar uu hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD, Raila Odinga uu Sebtidii khudbad kajeedinaayay magaalada Garissa ee gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari ayaa wuxuu sheegay in guddigaas uusan uga soo horjeedin in ninkaas muslimka ah ee Soomaaliga ah ee kasoo jeeda Waqooyi-bari uu madax u yahay balse guddigaasi IEBC uu gebi ahaanba u jenjeero dhanka dawlada isla markaana uusan dhexdhexaad ka noqon karayn doorashada lagu wado Kenya inay ka qabsoonto sanadka soo socda ee 2017.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]