4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 6 , 2016
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Soo Gaaray Dhadhaab Hordhacna u ah Wafdiga Madaxweyne Xassan Sheekh

 

Isniin, Juun 06, 2016 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa gaaray xerada qaxootiga ee Dhababaab ee dalka Kenya.

 

Sidoo kale, waxaa soo gaaray dhadhaab wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya.

 

Wafuuddan ayaa horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku soo wajahan xeryaha qaxootiga Dhahdhaab.

 

Waxay tani noqoneysaa markii ugu horreysay oo uu booqdo madaxweynuhu xeryahaas.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxay kula kulmi doonaan xeryaha Dhadhaab-Kenya qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool, kuwaasoo qaarkood ku noolaa halkaa mudadii uu dalku ku jiray colaadaha iyo burburka.

 

Booqashadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Kenya ay ku dhawaaqday inay dhammaadka sannadkaan xirayso xeryaha Dhadhaab, ayna qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dib ugu celinayso dalkooda.

 

Mas’uuliyiinta waddanka Kenya ayaa ku tilmaamay xeryahaas meel ay gabaad ka dhigtaan Al-shabaab, ayna kasoo abaabulaan weerarrada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, balse taas weli looma hayo xaqiiqo sida ay dhawaan shaacisay QM.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu Nairobi booqdo, isla markaana uu la kulmo mas'uuliyiinta xukuumadda Kenya si uu ugala hadlo arrinta ku saabsan xiritaanka xeryaha qoxootiga Dhadhaab.

 

Xukuumadda Kenya ayaa ku adkeysanaysa weli inay xirayso xeryahaa oo ah kuwa ugu waaweyn caalamka oo dhan, waxaase jira baaqyo kala duwan oo caalamka ka imaanaya, kuwaas oo Dowladda Kenya ugu baaqaya in ay dib uga laabato go’aanka ay ku xirayso xeryahaas.

 

Yusuf SH CIise​​​​​​​​