4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 6 , 2016
AMISOM oo sheegtay inay baarayso Qaar ka mid ah Askarteeda oo Xarig loogu geystay Muqdisho


Isniin, Juun 06, 2016 (HOL) — Taliska ciidanka AMISOM ayaa markii ugu horraysay ka hadlay war Shalay soo baxay oo sheegayay in Ciidamada booliiska Somalia ay gacanta ku dhigeen 5 katirsan ciidanka AMISOM oo lagu qabtay iyagoo iibinaya qalab ay lahaayeen AMISOM.

Maamulka AMISOM ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay twitterka ku sheegay in lasoo gaarsiiyay eedaynta ah in qaar kamid ah ciidankooda la xiray kadib markii lagu qabtay iyagoo gadaya agabka AMISOM.

Qoraalka, Waxaa lagu sheegay in AMISOM ay la xiriirtay Booliska Soomaaliyeed si ay u hubiso xaqiiqda dhacdadan,wixii tafaasiil ahna ay dib kasoo Sheegi doonaan.

Si kastaba, waxaa shalay Magaalada Muqdisho lagu xiray shan ka mid ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ee Dowladda Somaliya ka caawinaya la dagaalanka Ururka Al Shabaab iyo xaqiijinta amniga.

Ciidamada ammaanka Somaliya, ayaa askartan ka soo qabtay iyagoo agabyo ay leeyihiin Ciidanka Amisom ku iibinaya Wakaaladii hore biyaha, oo ku dhow Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa xusay in Askartaan la soo qabtay iyagoo iibinaya Agabyo badan oo ay leeyihiin xoogaga Nabad-Ilaalinta Midowga Afrika.

Jen. Xaamud ayaa xusay inay in muddo ahba ku daba jooggeen Askarta AMISOM ee lagu eedeeyo in ay iibiyan agabyadooda, ugu dambeena ay Axadii Shalay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan.

Askartan, ayaa waxaa lala soo qabtay 10 qof oo Somali ah, kuwaa oo la sheegay inay wada shaqayni ka dhaxeysay, Waxaana la hor-keeni doonnaa Sharciga, ayuu yiri Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir.

Arrintaan ayaa Timid Bilo Kadib uun Markii Midowga Yurub ku Dhawaaqay inuu Dhimay Qarashaadkii uu siin Jiray Ciidanka Amisom ee Haw-lgalka Dabada Dheeraaday Ka Wada Gudaha Soomaaliyta Mudo Kusiman 10 Sano.

Hiiraan Online, News Desk