4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday in Berri ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Somalia ayaa Caawa ku dhawaaqday in Maalinta Berri ah ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan.

Guddi ka socday Wasaaradda Diinta Somalia, ayaa waxay sheegeen in dhalashada Bisha Ramadaan ay u Xaqiijinta Dad kala duwan oo ku sugan gobollada Soomaaliya, kuwaasoo sheegay inay arkeen Bishii Ramadaan, isla markaana Wasaaraddu hubisay hadalladaas, ugu dambeyna ay go'aansatay inay Caawa si rasmi ah ugu dhawaaqdo in Berri ay tahay Maalin Ramadaan ah.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sh. Cali Maxamuud [Sh Cali Dheere] ayaa ku dhawaaqay in beri ay tahay Maalin Ramadaan ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Culummada, Sh. Bashiir Axmed Salaad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh C/casiis iyo Xoghayaha Wasaaradda Diinta, Sheekh Maxamed Kheyroow Aadan ayaa iyaguna si Wadajir ah u sheegay inay Berri tahay Ramadaan.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa iyaguna barahooda ku baahiyeen in Berri ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan, iyagoo sheegay in laga arkay bisha Qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waddamo badan oo calaamka Islaamka oo ay ka mid yihiin; dalalka Khaliijka Carabta, ayaa iyaguna si rasmi ah caawa ugu dhawaaqay in Berri ay tahay Maalin Ramadaan ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya