4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
SAWIRO: Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Guddiga Qoondada Haweenka


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud & Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, ayaa Xarunta Madaxtooyada Maanta kulan kula qaatay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Matelaada Baarlamaanka Somalia oo ah 30%.

Xasan Sheekh ayaa guddiga u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii loo Xaqiijin lahaa in Haweenka Soomaaliyeed ay Golayaasha Qaranka qoondadooda ka helaan sida ku xusan Dastuurka dalka, ayna la yimaadaan Dadaal rarinkaasi lagu dhaqan-gelinayo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa Guddigaas ugu baaqay inay Sameeyaan Wacyi-gelin, Culeys-saar iyo Hannaan Hufan oo Matelaadda Haweenka la Xiriirta, Isagoo dhanka kale u xaqiijiyay in Madaxda Dowladda FS ay garab-taagan yihiin in Haweenka Qoondadooda ay helaan.

Dhanka kale, RW Somalia ayaa isagana Guddiga ka codsadey inay deg-deg u hawl-galaan, kana Shaqeeyaan Sida ugu Habboon ee loo Dhaqan-gelin karo Metelaadda Haweenka sida ku cad Dasuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa iyaduna hadal ka jeedisay Wasiiradda Haweenka Soomaaliya, Sahro Maxamed Cali Samantar oo Sheegtay inay lagama maarmaan tahay in laga Shaqeeyo Sidii loo xaqiijin lahaa in Haweenku ay helaan Qoondadooda 30% ah.

Ugu dambeyn, Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Metelaada Baar-lamaanka Federaalka Soomaaliya ee ah 30%, ayaa waxaa lagu Aasaasay 29-kii May - Xeer Madaxweyne oo Lambarkiisu ahaa; 40, kaasoo isla maalintaas Dhaqan-galna noqday.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya