4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
Shacabka Magaalada Baladweyne oo si weyn ugu Diyaar-garoobaya Bisha Ramadaan (SAWIRRO)


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Iyadoo guud ahaan Muslimiinta meel walba oo ay Dunida ka joogaan ay isku diyaarinayaan bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayaa sidaa oo kale dadka ku nool magaalada Beledweyne waxaa ka muuqanaya diyaar-garoow iyo u sii sah-qaadashada gudasha waajibaadka bisha Ramadaan.

Inkastoo, Qoysas badan wali ka soo kabsan Dhibaatadii ka gaartay Fatahaadihii dhawaan ku dhufatay magaalada, haddana dhinaca kale waxaa camiran goobaha ganacsiga oo ay buux dhaafiyeen dadweyne iibsanaya noocyada kala duwan ee raashinka iyo siddoo kale wax yaabaha mac-macaanka ah ee inta badan loo isticmaalo afurka oo ay Timirtu ka mid tahay.

Bisha Ramadaan,waa mid ka mid ah 12-ka bilood ee Taariikhda Islamaka, waxaana qof waliba oo muslim ah laga doonayaa in uu Soomo laga billaabo Qorrax-soo-baxa illaa Qorrax-dhaca, waloow ay jiraan dad laga dhaafay soonka kaddib cudur --daar sharci ah.

Marka laga soo tago goobaha lagu iibiyo raashinka ayaa si la mid ah waxaa camiran suuqa ugu weyn qudaarta magaalada Beledweyne oo xiligan oo kale aad ku arkeyso noocyo kala duwan oo ka mid ah miraha ka soo go'a dalaga beeraha gobolka oo ay ka mid yihiin Qaraha, Cambaha, Liinta iyo dhamaan qudaarta noocyadeeda kala duwan, kuwaa oo in badan oo ka mid ah loo sii iibgeeyo gobollada kale ee dalka, sidda Galguduud, deegaannada Puntland, dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya illaa Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Ganacsatada ayaa bishan oo kale si dadban uga faa'iideysta Ganacsigooda, madaama ay dadku baahi weyn u qabaan in ay helaan cuno dheeraad ah oo ay u isticmaalaan afurka iyo saxuurta, si gaar ah dadka Soomaalida ayaa caan ku ah isticmalka raashinka, cabitaanka laga sameeyo miraha ka soo go'a dalka, iyo wax yaabaha kale ee mac-macaanka habeenkii oo dhan ilaa laga gaarayo waqtiga saxuurta.

Ugu danbeyn, Bisha Ramadaan waa Bil Kheyr iyo Amin, waxaa muhiim ah in qof walba oo wax heysta uu caawiyo walaalkiisa kale ee aan waxba heysan, isaga oo arintaa ka heli doona ajar iyo raali ahaansho Alle.

C/raxmaan Diini Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya